Buulaay Orphans

Nasiib wanaag, dabayaaqadii sannadkii 2018 kii ayaa koox dhallin yaro ah oo reer Buulo Burte ah ay ku fekereen inay xiriiriyaan oo ay dib isugu soo ururiyaan dadkii kala irdhoobay ee muddada dheer kala maqnaa, waxay fureen qol WhatsApp waxayna isku keeneen dad gaaraya 170 qof oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Arrintani waxay keentay yididdiilo wanaagsan, taasoo aan ku koobneyn oo keliya dib u  cusbooneysiinta xiriirka dad muddo dheer kala maqnaa, laakiin dad badan oo dhibaateysan ayaa gurmad helay oo la caawiyay. Muddo kooban ka dib aasaaskii qolka WhatsAppka, waxaa sannadkii 2019 kii la go’aansaday in si nidaamsan looga faa’ideysto fursaddan, lana sameeyo hey’ad samafal oo lagu caawinayo dadka ku nool magaalada Buuloburte. Sidaa daraaddeed, waxaa si rasmi ah loo sameeyay hey’ad samafal oo loo bixiyay “Asxaabta Walaalaha Buulaay (AWB)”.

 

 

Scroll to Top